بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.
إِنَّآ أَعْطَيْنَٰكَ ٱلْكَوْثَرَ
Annagaa ku Sinnay Nabiyow Waadi Janno (iyo khary badan).
فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَٱنْحَرْ
Ee tuko Eebaha dartiis, waxna u gawrac.
إِنَّ شَانِئَكَ هُوَ ٱلْأَبْتَرُ
Ruuxii ku necebna waa mid cidhib beelay.