Surah 78: An-Naba — النبأ
عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ
Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).
ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ
Ay isku diiddanaayeen.
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Saas ma aha ee way ogaan donaan.
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَٰدًۭا
Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.
وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًۭا
Buurahana Rukummo (ka yeelin).
وَخَلَقْنَٰكُمْ أَزْوَٰجًۭا
Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًۭا
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًۭا
Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًۭا
Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًۭا شِدَادًۭا
Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.
وَجَعَلْنَا سِرَاجًۭا وَهَّاجًۭا
Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءًۭ ثَجَّاجًۭا
Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.
لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّۭا وَنَبَاتًۭا
Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.
وَجَنَّٰتٍ أَلْفَافًا
Iyo Beero kulansan (badan).
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَٰتًۭا
Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًۭا
Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًۭا
Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.
وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا
Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًۭا
Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.
لِّلطَّٰغِينَ مَـَٔابًۭا
(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.
لَّٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًۭا
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًۭا وَلَا شَرَابًا
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.
إِلَّا حَمِيمًۭا وَغَسَّاقًۭا
Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).
جَزَآءًۭ وِفَاقًا
Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًۭا
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابًۭا
Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.
وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ كِتَٰبًۭا
Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.
فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا
Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
حَدَآئِقَ وَأَعْنَٰبًۭا
Beero iyo Cinabyana way heli.
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًۭا
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.
وَكَأْسًۭا دِهَاقًۭا
Waxayna heli Cabbid wanaagsan.
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًۭا وَلَا كِذَّٰبًۭا
Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.
جَزَآءًۭ مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًۭا
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.
رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًۭا
Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ صَفًّۭا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًۭا
Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.
ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
إِنَّآ أَنذَرْنَٰكُمْ عَذَابًۭا قَرِيبًۭا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا
Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.
Surah 79: An-Naziat — النازعات
وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرْقًۭا
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشْطًۭا
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبْحًۭا
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبْقًۭا
Iyo tan u orotanta wanaagga.
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًۭا
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
قُلُوبٌۭ يَوْمَئِذٍۢ وَاجِفَةٌ
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
أَبْصَٰرُهَا خَٰشِعَةٌۭ
Araggeeduna wuu dullaysnaan.
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمًۭا نَّخِرَةًۭ
Markaan noqonno Lafo duugoobay.
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًۭا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌۭ
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌۭ وَٰحِدَةٌۭ
Waa uun Hal Qaylo kaliya.
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
فَأَرَىٰهُ ٱلْءَايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْءَاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةًۭ لِّمَن يَخْشَىٰٓ
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
Buurahana sugay.
مَتَٰعًۭا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
Ruuxiise xadgudba.
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Nolosha Adduunyana doorta.
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Wuxuu u dheelman Janno.
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).
Surah 80: Abasa — عبس
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa.
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
Ma; Adaa u bambixi.
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
وَهُوَ يَخْشَىٰ
Oo Eeba ka yaabi.
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ
Miyaad ka shuqloomi.
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌۭ
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
فِى صُحُفٍۢ مُّكَرَّمَةٍۢ
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
مَّرْفُوعَةٍۢ مُّطَهَّرَةٍۭ
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.
بِأَيْدِى سَفَرَةٍۢ
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta).
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍۢ
Sharafna leh oo baarri ah.
قُتِلَ ٱلْإِنسَٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
Jidkana wuu u fudaydiyay.
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
Markuu doonana wuu soo bixin.
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
أَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّۭا
Inaan Roob ku soo shubno.
ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّۭا
Dhulkana markaas aan jeexno.
فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّۭا
Kana soo bixinno Midho.
وَعِنَبًۭا وَقَضْبًۭا
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
وَزَيْتُونًۭا وَنَخْلًۭا
Iyo Zeytuun iyo Timir.
وَحَدَآئِقَ غُلْبًۭا
Iyo Beerow waawayn.
وَفَٰكِهَةًۭ وَأَبًّۭا
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
مَّتَٰعًۭا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
لِكُلِّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍۢ شَأْنٌۭ يُغْنِيهِ
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ مُّسْفِرَةٌۭ
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
ضَاحِكَةٌۭ مُّسْتَبْشِرَةٌۭ
Wayna Qosli oy bishaaraysan.
وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌۭ
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).
Surah 81: At-Takwir — التكوير
إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ
Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ
Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ
Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).
وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ
Geelii rimmanaana la halleeyo.
وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ
Badahana la kululeeyo.
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ
Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.
وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.
بِأَىِّ ذَنۢبٍۢ قُتِلَتْ
Maxaa dambi ah oo loo dilay.
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ
Kutubta (camalkana) la fidiyo.
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ
Samadana la rujiyo.
وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ
Naarta Jaxiimana la huriyo.
وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ
Jannadana la dhaweeyo.
عَلِمَتْ نَفْسٌۭ مَّآ أَحْضَرَتْ
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ
Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).
ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ
Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.
وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ
Iyo Habecnku markuu jeedsado.
وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ
Iyo subaxu markuu soo qaabilo.
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍۢ كَرِيمٍۢ
Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.
ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍۢ
Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.
مُّطَاعٍۢ ثَمَّ أَمِينٍۢ
Laguna addeeco halkaas aaminna ah.
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍۢ
Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.
وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ
Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍۢ
Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَٰنٍۢ رَّجِيمٍۢ
Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ
Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌۭ لِّلْعَٰلَمِينَ
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ
Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.
Surah 82: Al-Infitar — الإنفطار
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ
Markay Samadu Dildillaacdo.
وَإِذَا ٱلْكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتْ
Xiddiguhuna daataan.
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ فُجِّرَتْ
Badahana laysku furo.
وَإِذَا ٱلْقُبُورُ بُعْثِرَتْ
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
عَلِمَتْ نَفْسٌۭ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ
Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلْكَرِيمِ
Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
ٱلَّذِى خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
فِىٓ أَىِّ صُورَةٍۢ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
Siduu doonana kuu sameeyey.
كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَٰفِظِينَ
Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.
كِرَامًۭا كَٰتِبِينَ
Oo sharaf leh waxna qori.
يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ
Ogna waxaad falaysaan.
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍۢ
Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
وَإِنَّ ٱلْفُجَّارَ لَفِى جَحِيمٍۢ
Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ ٱلدِّينِ
Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَآئِبِينَ
Kamana maqnaadaan Naarta.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
ثُمَّ مَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌۭ لِّنَفْسٍۢ شَيْـًۭٔا ۖ وَٱلْأَمْرُ يَوْمَئِذٍۢ لِّلَّهِ
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.
Surah 83: Al-Mutaffifin — المطففين
وَيْلٌۭ لِّلْمُطَفِّفِينَ
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.
لِيَوْمٍ عَظِيمٍۢ
Maalin wayn darteed (Qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍۢ
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌۭ
Ma taqaannaa Sijiin.
كِتَٰبٌۭ مَّرْقُومٌۭ
Waa Kitaab calaamaysan.
وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍۢ لَّمَحْجُوبُونَ
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ
Markaasna ay gali Jaxiimo.
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
Cilliyiin ma taqaannaa.
كِتَٰبٌۭ مَّرْقُومٌۭ
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.
يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw.
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ
Wajigooda waanad ka garan Nicmada.
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍۢ مَّخْتُومٍ
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).
خِتَٰمُهُۥ مِسْكٌۭ ۚ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَٰفِسُونَ
Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.
عَيْنًۭا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ
Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ
Haday maraanna way xaqirijireen.
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ
Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.
وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَٰفِظِينَ
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta.
فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
Sariiro korkood yayna wax daawan.
هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).
Surah 84: Al-Inshiqaq — الإنشقاق
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ
Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
وَإِذَا ٱلْأَرْضُ مُدَّتْ
Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).
وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ
Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًۭا فَمُلَٰقِيهِ
Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ
Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).
فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًۭا يَسِيرًۭا
Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًۭا
Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.
وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهْرِهِۦ
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).
فَسَوْفَ يَدْعُوا۟ ثُبُورًۭا
Wuxuu u yeedhan Halaag.
وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا
Wuxuuna gali Naarta Saciira.
إِنَّهُۥ كَانَ فِىٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا
Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).
إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ
Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).
بَلَىٰٓ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًۭا
Saas ma ahee Eebe waa arkaa.
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلشَّفَقِ
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.
وَٱلَّيْلِ وَمَا وَسَقَ
Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.
وَٱلْقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ
Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.
لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍۢ
Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/
فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).
وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ ٱلْقُرْءَانُ لَا يَسْجُدُونَ ۩
Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُكَذِّبُونَ
Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).
وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ
Eebana waa ogyahay waxay qarsan.
فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Ugu bishaaree caddibaad daran.
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۭ
Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.
Surah 85: Al-Buruj — البروج
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
وَٱلْيَوْمِ ٱلْمَوْعُودِ
Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
وَشَاهِدٍۢ وَمَشْهُودٍۢ
Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
قُتِلَ أَصْحَٰبُ ٱلْأُخْدُودِ
Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).
ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلْوَقُودِ
Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌۭ
Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌۭ
iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».
وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ
Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ شَهِيدٌ
Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُوا۟ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا۟ فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ ٱلْحَرِيقِ
Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتٌۭ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْكَبِيرُ
Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
إِنَّهُۥ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ
Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلْوَدُودُ
Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
ذُو ٱلْعَرْشِ ٱلْمَجِيدُ
Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
فَعَّالٌۭ لِّمَا يُرِيدُ
Wuuna falaa wuxuu doono.
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْجُنُودِ
Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ
Fircoon iyo Thamuud.
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى تَكْذِيبٍۢ
Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطٌۢ
Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
بَلْ هُوَ قُرْءَانٌۭ مَّجِيدٌۭ
Waase Quraan sharaf leh.
فِى لَوْحٍۢ مَّحْفُوظٍۭ
Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).
Surah 86: At-Tariq — الطارق
وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
Ma taqaan Xiddigga guura.
ٱلنَّجْمُ ٱلثَّاقِبُ
Waa Xiddig ifa.
إِن كُلُّ نَفْسٍۢ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌۭ
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ
Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray.
خُلِقَ مِن مَّآءٍۢ دَافِقٍۢ
Waxaa laga abuuray Biyo booda.
يَخْرُجُ مِنۢ بَيْنِ ٱلصُّلْبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood.
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجْعِهِۦ لَقَادِرٌۭ
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).
يَوْمَ تُبْلَى ٱلسَّرَآئِرُ
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٍۢ وَلَا نَاصِرٍۢ
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجْعِ
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.
وَٱلْأَرْضِ ذَاتِ ٱلصَّدْعِ
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).
إِنَّهُۥ لَقَوْلٌۭ فَصْلٌۭ
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).
وَمَا هُوَ بِٱلْهَزْلِ
Ciyaarra ma aha (ee waa dhab).
إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًۭا
Gaaladu waxbay dhakri.
وَأَكِيدُ كَيْدًۭا
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin).
فَمَهِّلِ ٱلْكَٰفِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًۢا
Ee u sug Gaalada wax yar.
Surah 87: Al-Ala — الأعلى
سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ
Eebaha soo bixiya Daaqa.
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ
Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow.
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ
Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican.
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.
ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ
Ee ah mid gali Naar wayn.
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.
وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.
بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.
وَٱلْءَاخِرَةُ خَيْرٌۭ وَأَبْقَىٰٓ
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).
إِنَّ هَٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.
صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.
Surah 88: Al-Ghashiyah — الغاشية
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ
Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ
Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
عَامِلَةٌۭ نَّاصِبَةٌۭ
Waxayna qaban Shaqo dhib ah.
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةًۭ
Waxayna gali Naar kulul.
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍۢ
Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍۢ
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍۢ
Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاعِمَةٌۭ
Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌۭ
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍۢ
Janno sarana way gali.
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةًۭ
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
فِيهَا عَيْنٌۭ جَارِيَةٌۭ
Waxaana ah dhexdeed il socota.
فِيهَا سُرُرٌۭ مَّرْفُوعَةٌۭ
iyo Sariiro la koryeelay.
وَأَكْوَابٌۭ مَّوْضُوعَةٌۭ
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌۭ
Iyo Barkimooyin la safay.
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ
Iyo gogol la fidiyay.
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ
Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ
Iyo sida Samada loo koryeelay.
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ
Iyo sida Ruuraha loo taagay,
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ
Iyo sida dhulka loo fidiyay.
فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌۭ
Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ
Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ
Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ
Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ
Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم
Annagaana xisaabin.
Surah 89: Al-Fajr — الفجر
وَٱلْفَجْرِ
Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.
وَلَيَالٍ عَشْرٍۢ
Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).
وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ
Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ
Iyo Habeenku markuu tagayu.
هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌۭ لِّذِى حِجْرٍ
Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.
إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ
Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَٰدِ
Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka.
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ
Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.
وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ
lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَٰدِ
kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.
فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ
12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.
فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ
Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ
Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).
فَأَمَّا ٱلْإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ
Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَٰنَنِ
Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.
كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.
وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًۭا لَّمًّۭا
Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّۭا جَمًّۭا
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّۭا دَكًّۭا
Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّۭا صَفًّۭا
Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan.
وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍۢ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ
Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.
يَقُولُ يَٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى
Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.
فَيَوْمَئِذٍۢ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌۭ
Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro.
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌۭ
Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro.
يَٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ
Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.
ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةًۭ مَّرْضِيَّةًۭ
U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.
فَٱدْخُلِى فِى عِبَٰدِى
dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).
وَٱدْخُلِى جَنَّتِى
Galna Jannadayda.
Surah 90: Al-Balad — البلد
لَآ أُقْسِمُ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ
Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».
وَأَنتَ حِلٌّۢ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ
Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.
وَوَالِدٍۢ وَمَا وَلَدَ
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».
لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِى كَبَدٍ
Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).
أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌۭ
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).
يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًۭا لُّبَدًا
Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).
أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.
أَلَمْ نَجْعَل لَّهُۥ عَيْنَيْنِ
Miyaannaan u yeelin Laba indhood.
وَلِسَانًۭا وَشَفَتَيْنِ
Iyo Carrab iyo Laba bishimood.
وَهَدَيْنَٰهُ ٱلنَّجْدَيْنِ
Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).
فَلَا ٱقْتَحَمَ ٱلْعَقَبَةَ
Ee Dadku muu jiidho Jiirta.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْعَقَبَةُ
Ma taqaannaa Jiirta.
فَكُّ رَقَبَةٍ
Waa qoor la xoreeyo.
أَوْ إِطْعَٰمٌۭ فِى يَوْمٍۢ ذِى مَسْغَبَةٍۢ
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.
يَتِيمًۭا ذَا مَقْرَبَةٍ
Agoon kuu dhaw.
أَوْ مِسْكِينًۭا ذَا مَتْرَبَةٍۢ
Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْمَرْحَمَةِ
Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.
أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا هُمْ أَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
عَلَيْهِمْ نَارٌۭ مُّؤْصَدَةٌۢ
Waxaana lagu dabooli Naar.
Surah 91: Ash-Shams — الشمس
وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا
Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.
وَٱلْقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا
Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.
وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا
Iyo Maalintu markay ifiso.
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰهَا
Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).
وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا
Iyo Samada iyo say u dhisantahay.
وَٱلْأَرْضِ وَمَا طَحَىٰهَا
Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.
وَنَفْسٍۢ وَمَا سَوَّىٰهَا
Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.
فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَىٰهَا
Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.
قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا
Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.
وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا
Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَىٰهَآ
Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.
إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشْقَىٰهَا
Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).
فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقْيَٰهَا
Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمْ فَسَوَّىٰهَا
Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.
وَلَا يَخَافُ عُقْبَٰهَا
Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)
Surah 92: Al-Lail — الليل
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ
Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ
Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ
Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ
In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَٱتَّقَىٰ
Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.
وَصَدَّقَ بِٱلْحُسْنَىٰ
Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْيُسْرَىٰ
Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسْتَغْنَىٰ
Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
وَكَذَّبَ بِٱلْحُسْنَىٰ
Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْعُسْرَىٰ
Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
وَمَا يُغْنِى عَنْهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ
Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ
Annagaa wax hanuuninna.
وَإِنَّ لَنَا لَلْءَاخِرَةَ وَٱلْأُولَىٰ
Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًۭا تَلَظَّىٰ
Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
لَا يَصْلَىٰهَآ إِلَّا ٱلْأَشْقَى
Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
ٱلَّذِى كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلْأَتْقَى
Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
ٱلَّذِى يُؤْتِى مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ
Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعْمَةٍۢ تُجْزَىٰٓ
Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
إِلَّا ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِ ٱلْأَعْلَىٰ
Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ
Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.
Surah 93: Ad-Duha — الضحى
وَٱلضُّحَىٰ
Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
وَٱلَّيْلِ إِذَا سَجَىٰ
Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ
Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
وَلَلْءَاخِرَةُ خَيْرٌۭ لَّكَ مِنَ ٱلْأُولَىٰ
Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَىٰٓ
Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًۭا فَـَٔاوَىٰ
Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
وَوَجَدَكَ ضَآلًّۭا فَهَدَىٰ
Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
وَوَجَدَكَ عَآئِلًۭا فَأَغْنَىٰ
Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
فَأَمَّا ٱلْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ
Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنْهَرْ
Ka wax su'aalina ha canaanan.
وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ
Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).
Surah 94: Ash-Sharh — الشرح
أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ
Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin).
وَوَضَعْنَا عَنكَ وِزْرَكَ
Oonaan ka dajinin culayskii.
ٱلَّذِىٓ أَنقَضَ ظَهْرَكَ
dhabarka kaa cusleeyay.
وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ
Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada).
فَإِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj).
إِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًۭا
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd.
فَإِذَا فَرَغْتَ فَٱنصَبْ
Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal).
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرْغَب
Eebana (Khayr) ka rajee.
Surah 95: At-Tin — التين
وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيْتُونِ
Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.
وَطُورِ سِينِينَ
Iyo Dhuuri Siina.
وَهَٰذَا ٱلْبَلَدِ ٱلْأَمِينِ
Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).
لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِىٓ أَحْسَنِ تَقْوِيمٍۢ
Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.
ثُمَّ رَدَدْنَٰهُ أَسْفَلَ سَٰفِلِينَ
Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۢ
Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin.
فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعْدُ بِٱلدِّينِ
Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِأَحْكَمِ ٱلْحَٰكِمِينَ
Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).
Surah 96: Al-Alaq — العلق
ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِنْ عَلَقٍ
Dadkana ka abuuray Calaq.
ٱقْرَأْ وَرَبُّكَ ٱلْأَكْرَمُ
Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.
ٱلَّذِى عَلَّمَ بِٱلْقَلَمِ
Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.
عَلَّمَ ٱلْإِنسَٰنَ مَا لَمْ يَعْلَمْ
Dadkana baray waxayna aqoonin.
كَلَّآ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَيَطْغَىٰٓ
Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen.
أَن رَّءَاهُ ٱسْتَغْنَىٰٓ
Markuu isku ogaaday Hodontinnimo.
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجْعَىٰٓ
Eebaha xaggiisaase loo noqon.
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يَنْهَىٰ
Ka warrama midka ka reebaya.
عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda.
أَرَءَيْتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلْهُدَىٰٓ
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga).
أَوْ أَمَرَ بِٱلتَّقْوَىٰٓ
Ama uu fari Eeba ka yaabid.
أَرَءَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe).
أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
Miyuusan ogayn in Eebe arko.
كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda.
نَاصِيَةٍۢ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٍۢ
Food beenaleey ah ghafna badan.
فَلْيَدْعُ نَادِيَهُۥ
Ha u yeedho gargaarihiisa.
سَنَدْعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane.
كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَٱسْجُدْ وَٱقْتَرِب ۩
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).
Surah 97: Al-Qadr — القدر
إِنَّآ أَنزَلْنَٰهُ فِى لَيْلَةِ ٱلْقَدْرِ
Annagaa soo dajinnay Quraanka Habeenka LaylatulQadarka ah (sharafta leh).
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ
Ma taqaanna LaylatulQadarka.
لَيْلَةُ ٱلْقَدْرِ خَيْرٌۭ مِّنْ أَلْفِ شَهْرٍۢ
Waa Habeen ka khayr badan Kun Bilood (oo kale).
تَنَزَّلُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِم مِّن كُلِّ أَمْرٍۢ
Waxaana soo daga Malaa'igta (kale) iyo Malaku Jibriil habecnkaas idanka Eebe dartiis iyo amarkiisa.
سَلَٰمٌ هِىَ حَتَّىٰ مَطْلَعِ ٱلْفَجْرِ
Waana Habeen nabadgalyo inta waagu ka haryi.
Surah 98: Al-Bayinah — البينة
لَمْ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ
Ma aha Kuwii Gaaloobay ee ahaa ehlu kitaabka (Yahuud iyo Nasaara) iyo Gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja ah).
رَسُولٌۭ مِّنَ ٱللَّهِ يَتْلُوا۟ صُحُفًۭا مُّطَهَّرَةًۭ
Oo ah Rasuul Eebc oo akhriyi Kutub daahir ah.
فِيهَا كُتُبٌۭ قَيِّمَةٌۭ
Oo xukun fiicani ku yaal.
وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ
Mona kala tagin Gaalada ehlu Kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis).
وَمَآ أُمِرُوٓا۟ إِلَّا لِيَعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ ۚ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلْقَيِّمَةِ
Dadkana waxaan Eebe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebe Diinte, toosanna, Salaaddana oogi Zakadana bixin, Saasina waadiinta toosan.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ فِى نَارِ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ شَرُّ ٱلْبَرِيَّةِ
Kuwa Gaaloobay oo ehlu Kitaabka ah iyo Gaaladii waxay gali Naarta Jahannama ayna Ini waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugli sharbadan khalqiga.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ خَيْرُ ٱلْبَرِيَّةِ
Kuwa rumeeyayse xaqa Camalfiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga.
جَزَآؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّٰتُ عَدْنٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًۭا ۖ رَّضِىَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا۟ عَنْهُ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِىَ رَبَّهُۥ
Abaalkooda ay Eebe agtiisa kii leeyihiin waa Jannooyin Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri Wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raali noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay Ruusii Eeba ka yaaba.
Surah 99: Az-Zalzalah — الزلزلة
إِذَا زُلْزِلَتِ ٱلْأَرْضُ زِلْزَالَهَا
Marka DHulka la gilgilo.
وَأَخْرَجَتِ ٱلْأَرْضُ أَثْقَالَهَا
Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa).
وَقَالَ ٱلْإِنسَٰنُ مَا لَهَا
Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay.
يَوْمَئِذٍۢ تُحَدِّثُ أَخْبَارَهَا
Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.
بِأَنَّ رَبَّكَ أَوْحَىٰ لَهَا
Maxaayeelay Eebaa u waxyooday.
يَوْمَئِذٍۢ يَصْدُرُ ٱلنَّاسُ أَشْتَاتًۭا لِّيُرَوْا۟ أَعْمَٰلَهُمْ
Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan camalkooda.
فَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًۭا يَرَهُۥ
Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.
وَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍۢ شَرًّۭا يَرَهُۥ
Kiise wax yar oo shar fala wuu arki.
Surah 100: Al-Adiyat — العاديات
وَٱلْعَٰدِيَٰتِ ضَبْحًۭا
Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi.
فَٱلْمُورِيَٰتِ قَدْحًۭا
iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha).
فَٱلْمُغِيرَٰتِ صُبْحًۭا
Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii.
فَأَثَرْنَ بِهِۦ نَقْعًۭا
Ee Boodhka kiciya.
فَوَسَطْنَ بِهِۦ جَمْعًا
Cadawgana dhexgala.
إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٌۭ
Ee Dadku Eebohood waa diideen.
وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٌۭ
Arrintaasna Dadku wuu ogyahay.
وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلْخَيْرِ لَشَدِيدٌ
Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay.
۞ أَفَلَا يَعْلَمُ إِذَا بُعْثِرَ مَا فِى ٱلْقُبُورِ
Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.
وَحُصِّلَ مَا فِى ٱلصُّدُورِ
Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.
إِنَّ رَبَّهُم بِهِمْ يَوْمَئِذٍۢ لَّخَبِيرٌۢ
In Eebohood Maalintaas ogyahay.
Surah 101: Al-Qariah — القارعة
ٱلْقَارِعَةُ
Qaaricada (qalbiga garaacda).
مَا ٱلْقَارِعَةُ
Qaarica maxay tahay.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْقَارِعَةُ
Mase taqaannaa Qaarico.
يَوْمَ يَكُونُ ٱلنَّاسُ كَٱلْفَرَاشِ ٱلْمَبْثُوثِ
Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay.
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ٱلْمَنفُوشِ
Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.
فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ
Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.
فَهُوَ فِى عِيشَةٍۢ رَّاضِيَةٍۢ
Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.
وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ
Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican).
فَأُمُّهُۥ هَاوِيَةٌۭ
Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا هِيَهْ
Ma taqaannaa Haawiya.
نَارٌ حَامِيَةٌۢ
Waa Naar kulayl daran.
Surah 102: Al-Takathur — التكاثر
أَلْهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ
Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid),
حَتَّىٰ زُرْتُمُ ٱلْمَقَابِرَ
Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).
كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
Saas ma aha ee waad ogaandoontaan.
ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa).
كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ ٱلْيَقِينِ
Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta).
لَتَرَوُنَّ ٱلْجَحِيمَ
Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima,
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ ٱلْيَقِينِ
Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.
ثُمَّ لَتُسْـَٔلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ ٱلنَّعِيمِ
Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.
Surah 103: Al-Asr — العصر
وَٱلْعَصْرِ
Eebe wuxuu ku dhartay Waqtiga Casarka ah.
إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَفِى خُسْرٍ
In Dadku khasaaro ku sugunyahay.
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْحَقِّ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ
Marka laga reebo kuwa rumeeyay xaqa ee Camal fiican fala, isuna dardaarma xaqa, isuna dardaarma Samirka.
Surah 104: Al-Humazah — الهمزة
وَيْلٌۭ لِّكُلِّ هُمَزَةٍۢ لُّمَزَةٍ
Halaag Wuxuu u Sugnaaday xanle wax ceebeya oo Dhan,
ٱلَّذِى جَمَعَ مَالًۭا وَعَدَّدَهُۥ
Oo Xoolaha kulmiya (xaqana ku bixinin).
يَحْسَبُ أَنَّ مَالَهُۥٓ أَخْلَدَهُۥ
Ma wuxuu malayn in xoolihiisu waarin.
كَلَّا ۖ لَيُنۢبَذَنَّ فِى ٱلْحُطَمَةِ
Saas ma aha ee waxaa lagu tuuri (Naarta) Xudhama.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحُطَمَةُ
Ma taqaannaa Xudhama.
نَارُ ٱللَّهِ ٱلْمُوقَدَةُ
Waa Naarta Eebe ee la huriyay.
ٱلَّتِى تَطَّلِعُ عَلَى ٱلْأَفْـِٔدَةِ
Gubaysana Quluubta (Kulayl dartiis).
إِنَّهَا عَلَيْهِم مُّؤْصَدَةٌۭ
Waana lagu dabooli Naartaas Gaalada.
فِى عَمَدٍۢ مُّمَدَّدَةٍۭ
Tiraar la fidiyay yayna ahaan dhexdeeda.
Surah 105: Al-Fil — الفيل
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَٰبِ ٱلْفِيلِ
Ma Ogtahay sida Eeba ku falay asaxaabtii Maroodiga «Colkii».
أَلَمْ يَجْعَلْ كَيْدَهُمْ فِى تَضْلِيلٍۢ
Miyaan Eebe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay.
وَأَرْسَلَ عَلَيْهِمْ طَيْرًا أَبَابِيلَ
Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah.
تَرْمِيهِم بِحِجَارَةٍۢ مِّن سِجِّيلٍۢ
Kuna tuuraysa Dhagaxyo la kululeeyay.
فَجَعَلَهُمْ كَعَصْفٍۢ مَّأْكُولٍۭ
Markaas Eebe ka yeelay Bal la daaqay sidiis.
Surah 106: Quraish — قريش
لِإِيلَٰفِ قُرَيْشٍ
Caadaysigii Qureesheed.
إِۦلَٰفِهِمْ رِحْلَةَ ٱلشِّتَآءِ وَٱلصَّيْفِ
Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jilaalka darteed.
فَلْيَعْبُدُوا۟ رَبَّ هَٰذَا ٱلْبَيْتِ
Ha u caabudeen Eebeha Beydkan (Kacbada).
ٱلَّذِىٓ أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍۢ وَءَامَنَهُم مِّنْ خَوْفٍۭ
Eebahi ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi.
Surah 107: Al-Ma'un — الماعون
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
Ka warrama kan beenin Abaalmarinta (Qiyaamada).
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ
Kaas xooga Agoonta (xageeda).
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
Aan kuna boorrinaynin quudinta miskiinka.
فَوَيْلٌۭ لِّلْمُصَلِّينَ
Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan (waa Munaafiqiinta).
ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ
Ee haddana halmaansan Salaaddooda.
ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ
Dadkana is tusiya.
وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ
Una diida alaabta (Laysugu kaalmeeyo).
Surah 108: Al-Kauthar — الكوثر
إِنَّآ أَعْطَيْنَٰكَ ٱلْكَوْثَرَ
Annagaa ku Sinnay Nabiyow Waadi Janno (iyo khary badan).
فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَٱنْحَرْ
Ee tuko Eebaha dartiis, waxna u gawrac.
إِنَّ شَانِئَكَ هُوَ ٱلْأَبْتَرُ
Ruuxii ku necebna waa mid cidhib beelay.
Surah 109: Al-Kafirun — الكافرون
قُلْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْكَٰفِرُونَ
Waxaad dhahdaa, Gaalooy.
لَآ أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ
Ma caabudayo waxaad caabudaysaan.
وَلَآ أَنتُمْ عَٰبِدُونَ مَآ أَعْبُدُ
Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudi.
وَلَآ أَنَا۠ عَابِدٌۭ مَّا عَبَدتُّمْ
Mana caabudin waxaad caabuddeen,
وَلَآ أَنتُمْ عَٰبِدُونَ مَآ أَعْبُدُ
Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan Eebahaan caabudi.
لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِىَ دِينِ
Idinkana Diintiina yaad leedihiin, Anna Diintaydaan leeyahay.
Surah 110: An-Nasr — النصر
إِذَا جَآءَ نَصْرُ ٱللَّهِ وَٱلْفَتْحُ
Markuu yimaaddo gargaarkii Eebe iyo Fatxiga (Furashada maka).
وَرَأَيْتَ ٱلنَّاسَ يَدْخُلُونَ فِى دِينِ ٱللَّهِ أَفْوَاجًۭا
Ood aragtid Dadkoo Diinta Eebe u soo gali Kooxo.
فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَٱسْتَغْفِرْهُ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ تَوَّابًۢا
U tasbiixso Eebe adoo ku mahadin Dambidhaafna waydiiso illen waa dambidhaaf badanee.
Surah 111: Al-Masad — المسد
تَبَّتْ يَدَآ أَبِى لَهَبٍۢ وَتَبَّ
Waxaa khasaaray Gacmihii Abuulahab, halaagmayna.
مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ
Waxna uma tarin Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna.
سَيَصْلَىٰ نَارًۭا ذَاتَ لَهَبٍۢ
Wuxuuna gali Naar Olal leh.
وَٱمْرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلْحَطَبِ
Haweenaydiisii Qoryaha xambaari jirtayna (waxay gali Naar).
فِى جِيدِهَا حَبْلٌۭ مِّن مَّسَدٍۭ
Luqunteedana waxaa la yeeli Xadhig Liif ah.
Surah 112: Al-Ikhlas — الإخلاص
قُلْ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Eebe waa Kali (wehelna ma leh).
ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ
Waana Sayid (deeqtoon).
لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ
Eebe wax ma dhalin, isna lama dhalin.
وَلَمْ يَكُن لَّهُۥ كُفُوًا أَحَدٌۢ
Wax la mid ahna ma jiro.
Surah 113: Al-Falaq — الفلق
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلْفَلَقِ
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray).
مِن شَرِّ مَا خَلَقَ
Wixii shar leh sharkiisa.
وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ
Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado.
وَمِن شَرِّ ٱلنَّفَّٰثَٰتِ فِى ٱلْعُقَدِ
Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha.
وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ
Iyo sharka Xaasidka wax Xasda.
Surah 114: An-Nas — الناس
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلنَّاسِ
Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya.
مَلِكِ ٱلنَّاسِ
Ee dadka xukuma.
إِلَٰهِ ٱلنَّاسِ
Ee ah Ilaaha dadka.
مِن شَرِّ ٱلْوَسْوَاسِ ٱلْخَنَّاسِ
Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon.
ٱلَّذِى يُوَسْوِسُ فِى صُدُورِ ٱلنَّاسِ
Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka.
مِنَ ٱلْجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ
«Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba.